1 min read

Sirdoonka Itoobiya oo qabqabtay rag Shabaab ah oo weeraro Qorsheenaayay.

Hay’adda sirdoonka iyo ammaanka qaranka ee waddanka Itoobiya ayaa sheegtay inay xirtay 34 qof oo laga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, dadkan laga shakisanyahay ayaa waxa ay qorshaynayeen inay weerraro ka gaystaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo gobollo kale.

Wakaaladdu waxa ay intaasi ku dartay in dadkaasi lagu soo xirxiray howlgal ay wadajir ciidammada ammaanka uga sameeyeen gobollada Soomaalida iyo Oromada ee dalkaasi.

Sidoo kale, eedeysanayaasha ayaa laga helay Hoobiyayaal, Rasaas iyo Hub kale, waxayna sidoo kale wateen dukumentiyo iyo Lacago.

Haddaba faafaahinta warkan waxaan goordhaweyd soo diray weriye Ismaaciil Ibraahim Buurgaabo oo Jigjiga jooga.