1 min read

Wasiiradda arimaha dibada Biljimka oo xilkeeda isaga tagtay si ay u dareyeesho nine-day.

Wasiirka arimaha dibada Biljimka Sophie Willems ayaa xilkeedii si kumeel gaar ah isaga tagtay si ay u daryeesho ninkeeda oo la ildaran xanuunka kansarka.

Willems oo sidoo kale ah ra’iisul wasaare ku xigeenka wadanka ayaa qaadatay fasax ilaa iyo dhamaadka xagaaga soo socda oo ay qoyskeedu fiirin doonaan sida uu xaalku noqdo.

Waxay sheegtay in ay xilka isaga tagtay kadib markii uu ra’iisul wasaaruhu si buuxda ula tashaday xisbigiisa. Ra’iisul wasaaraha Biljimka Alexandre de Croo ayaa yiri: “go’aanka ay qaadatay wasiir Willems waa midkii loogu xushmada badnaa”.

De Croo aya aintaas ku daray in wasiiradu aysan si rasmi ah isaga caslineynin xilka dawlada, balse awoodahaheeda si kumeel gaar loogu wareejindoono wasaarado kale.

Gabadhan ayaa hore u soo qabatay jagada ra’iisul wasaaraha intii u dhaxaysay 2019 iyo 2020waxayna guursatay ninkeeda Chris Stone oo u dhashay dalka Australia sanadkii 2009 kii.