1 min read

Ciidamo uu wato Wasiirka Amniga Jubbaland oo gaaray Ceelwaaq.

Wasiirka Amniga ee Jubaland, Yuusuf Xuseen Cismaan, oo ay la socdeen ciidamo loogu talo galay ilaalinta aminga doorashooyin lagu wado n ay ka dhacaan Ceelwaaq ayaa gaaray halkaasi.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan ayaa sheegay in ay halkaas ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar garoobayo doorashooyin lagu qabanayo Ceelwaaq.

Dhinaca kalena, magaalada Garbahaarey ayey ka socotaa diyaarinta doorashooyin halkaa lagu qabto iyadoo labada dhinac ee Garbahaarey iyo Ceelwaaq ay sheegayaan in ay u diyaar garoobeen doorashooyin labo dhinac ah.