1 min read

Deni oo u soo wareegay Muqdisho si uu u dardargeliyo ololihiisa doorashada.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo sidoo kale ah musharrax madaxweyne ayaa ka dagay magaalada Muqdisho halkaasoo oo ka billaabi doono ololihiisa doorashada.

Deni ayaa waxaa soo dhaweeyay xildhibaano badan, masuuliyiin kale iyo shacab isugu soo baxay afaafka garoonka Aden Cadde.

Deni ayaa mar sii horreysay ku dhawaaqay musharraxnimadiisa, wuxuuna ku biirayaa dhowr iyo toban musharrixiin kale oo ku sugan magaalada Muqdisho.Quote Message: “Munaasabad qurux badan oo soo dhaweyn ah ayaa naloo sameeyay. Aad ayaan uga mahadcelineynaa, xildhibaannada, masuuliyiinta iyo shacabka na soo dhaweeyay.Waa safar taariikhi ah oo samatabixin ah maadama Saciid Cbdullaahi Deni uu yahay musharrax madaxweyne” from Jaamac Dabaraani afhayeenka Deni kuna sugan magaalada Muqdisho.

“Munaasabad qurux badan oo soo dhaweyn ah ayaa naloo sameeyay. Aad ayaan uga mahadcelineynaa, xildhibaannada, masuuliyiinta iyo shacabka na soo dhaweeyay.Waa safar taariikhi ah oo samatabixin ah maadama Saciid Cbdullaahi Deni uu yahay musharrax madaxweyne”