1 min read

R/Wasaare Rooble oo ka hadlay weerarkii Hoobiyaha ee ka dhacay Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xusseen Rooble ayaa cambaareeyay “falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay bogga xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ra’iisul Wasaaruhu uu bogaadinayaa dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammada in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka.