1 min read

Hoobiye ku soo dhacay barxadda dhismaha Barlamaanka oo sababay khasaare.

Ugu yaraan todobo qof oo isugu jira shaqaalaha Barlamaanka iyo askar ayaa ku dhaawacmay hoobiya ku soo dhacay barxadda dhismaha Barlamaanka, xilli ay socotay dooda baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ay istaagay doodii Barlamanka, xildhibaannada ayaana bilaabay inay dhismaha isaga baxaan.