1 min read

Puntland: “Deni madaxweyne ayuu sii ahaan doonaa,haddii uu waayo madaxtinnimada Soomaaliya”.

Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in madaxweynaha Maamulkaas Siciid Cabdillaahi Deni, uusan iska casilayn madaxtinnimada Puntland haddii soo waayo madaxtinnimada Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo fagaare ka hadlayey ayaa sheegay in haddii juu kursigaas waayo uu ahaanayo madaxweynaha Puntland.

“Madaxweynuhu musharrax weeye waa tartamayaa, isagoo madaxweyne ah ayuu tartamayaa, haddii uu guulaysto waa alxamdulilaah dadka iyo dalka ayuu wax u tarayaa, haddii qadarta Ilaahay dhacdo madaxweynaha Puntland ayuu ahaanayaa.” ayuu yidhi Wasiir Xasan Shire.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Deni ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan madaxtinnimada Soomaaliya doorashada soo aaddan, isaga oo sheegay in ay ka go’an tahay beddelidda maamulka hadda jira.