|

Xildhibaan Beereey oo ku soo baxay doorashadii ka dhacday Jowhar.

JOWHAR:-Xilli Khamiistii shalay la dhaariyay badi xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa waxaa xalay xildhibaan loogu doortay Maxamed Axmed Axmed Beerrey oo ku guulaystay kursiga tirsigiisa yahay HOP024.

Tartanka doorashada kursigan oo ahaa mid adag, islamarkaana la isla soo gaaray ilaa xilliga dambe ayaa waxaa ku tartamay saddax mudane oo kala ahaa Cabdulqaadir Carabow oo shanti sano lasoo dhaafay ku fadhiyay, Maxamed Beerrey iyo Maxamed Xaaji Dool.

Xldhibaan Maxamed Beerrey ayaa heley 59 cod, waxaa kusoo xigay Maxamed Xaaji Dool oo helay 25 cod halka xildhibaankii horay ugu fadhiyay kursigan Cabdulqaadir Carabow uu helay 7 cod.

Beerrey oo sanadkii 2016-kii looga guulastay kursigan ayaa guushiisa ay ka dhigan tahay inuu kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad.

Posted by on Apr 15 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]