1 min read

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Bay.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal culus oo degaanka Awdiinle oo ka tirsan Gobolka Bay ku dhexmaray Ciimada Itoobiya ee katirsan howlgalka ATMIS ee loo aqoon jiray (AMISOM) & Xubno katirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Itoobiya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiiaa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in intii uu dagaalka socday ay Ciidamada Itoobiya adeegsadeen madaafiic dhowr ah taas oo uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah oo gaaray dad ah.

Dhanka kale wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in xaaladda degaanka Awdiinle ay degan tahay  isla markaana halkii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya, kuwaas oo mararka qaar howlgallo sameeya.