1 min read

Dalal ay Soomaaliya isku fiican yihiin oo wada arrimo xadgudub ku ah dalkeenna (Arag caddayntan).

Muqdisho:– Sawirro laga qaaday dhanka dayax-gacmeedka ama Satellite-ka  ayaa muujinaya in illaa 200 oo maraakiib shisheeye ihi ay waqti xaadirkan si sharci darro ah uga kalluumeysanayaan badda Soomaaliya.

Warbixintii ugu dambaysey ayaa waxaa ay  tilmaamaysaa in Soomaaliya sanadkii sharci darro looga jillaabto ama laga gurto 132,000 oo tan oo kalluun ah.

Sidoo kale warbixin hore oo lagu qoray warqaadka Resources Magazine, ayaa lagu sheegay in khayraadka badda Soomaaliya ee sida sharci darrada ah looga gurto ay qiimo ahaan qiyaastii sanadkii dhan tahay $300 oo milyan oo Doollar sanadkii.

Waxaa dhanka kale sanadihii dambe la diiwaangeliyay in illaa 1000 markab ay biyaha Soomaaliya si aan sharci ahayn uga jillaabanayeen.

Maraakiibta iyo doomahaas ayaa waxaa inta badan leh dalal ay ugu horreeyaan; Iran, Pakistan, Kuuriyada Koonfureed, Masar, Yaman, Taiwan, Spain iyo qaar kale.

W; D: Yaxya Yuusuf