1 min read

Maxay tahay sababta booliska UK ay u ganaaxeen Ra’isul Wasaare Johnson? 

Ra’isul Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo Xoghayaha Maaliyada Rishi Sunak ayaa la ganaaxay, kadib markii ay ka qeyb galeen xaflad dhalasho, xilligii lagu jiray xayiraadda xanuunka COVID-19.

Johnson ayaa xaqiijiyey in uu bixiyey ganaax la xidhiidha in uu jabiyey shuruudihii xayiraada ka qaybgalkii munasabadaas oo lagu qabtey xafiiska wasiirrada 19-kii juun sanadkii 2020kii.

Warbixin ammuurtaas ku saabsan waxa magaalada London inooga soo direy Wariayaha VOA-da Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.