1 min read

QISO CAJIIB AH: Maxay dareemayaan haweenka nimankooda ka maqan?

Waxaan halkan idinkugu soo gudbinayaa qiso cajiib ah oo ku saabsan haweenka ay ka maqan nimankooda taasi oo dhacday xilligii saxaabada ee sidinaa Cumar Bin Khadaab RC.

Amiirka mu’MINIINTA Cumar Bin Khadaab isagoo xilli habeen ah kormeeraya magaalada ayaa wuxuu haweeney xilli dbe soo jeeda markaasuu su’aalay xaaladeeda waxayna “Ninkeyga ayaa iga maqan muddo sanooyin ah”.

Wuxuu wacay gabar uu isagu dhalay wuxuuna su’aalay mudada ay ninkeeda moogaan karto waxayna ku tiri “afar bil” markaas kadib Allaha ka raali noqdee siidinaa Cumar ayaa isugu wacay saxaabada wuxuuna u sheegay inaysan xaasaskooda ka maqnaan karin ilaa afar bilood xitaa haddii ay jihaad aadaan.

Sheekh Cabdullaahi Madoobe oo ka mid ah culumaa’udiinka ku caanka ah faafinta diinta Islaamka iyo akhrinta kitaabada tafsiirka ayaa ka sheekeynaya taariikhaha cajaa’ibta leh ee laga qoray haween ka hadlaya sida uu xaalkoodu noqonayo marka uu ninkoodu ka maqnaado muddo dheer.