1 min read

Ra’iisal Wasaare Imran Khan oo xilka laga qaaday

Baarlamaanka wadanka Pakistan ayaa cod u qaaday kalsoonida xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Imran Khan, kaddib 174 Mudane ay taageereen in xilka laga qaado iyadoo aanay xildhibaano ka hor yimid mooshinka laga gudbiyay.

Guddoomiye Asad Qaiser oo guddoomin lahaa codeynta oo ay amartay maxkamadda sare ayaa is casilay ka hor codeynta.

Kalfadhiga baarlamaanka oo mid aan caadi ahayn ayaa dhacay Axaddii shalay, iyadoo maalmihii la soo dhaacay dalka Pakistan ay ka jirtay qabanqqabada iyo abaabulka xilka looga tuurayo Ra’iisal Wasaaraha.

Imran Khan oo eeday booqashadii Moscow iyo warkiisii ka dambeeyey ee ahaa “inuusan cidna addoon u ahayn.” Waa sababta ay dunidu ugu baahan tahay awoodo kale si la iskugu miisaamo oo dheelliga awoodeed looga saaro.

Waa markii ugu horeysay ee lagu guuleysto mooshinkii kalsooni kala noqoshada ee ka dhanka ahaa ra’iisul wasaaraha Pakistan.