1 min read

Maayar Mooge iyo Dadka Taageersan Ha ogaadaan in arintani tahay Musiibo Qaran (Major National Incident) oo ka shaadh weyn shaqada Duqa qaban lahaa.

Sharciga iyo habka dawladnimo ee aduunku isku raacsanyahay oo sharci ah iyo dhaqan dawladnimo ah in musiibo qaran toos u hoostagto Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa.
Waxa aduunyadu masiibooyin qaran soo arkeen ilaa sunaamigii indonisiya ka dhacay iyo gubashadii Magaalooyinka Australia in dawladaha hoose ay toos uga amar qaataan Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa.
Taariikhda aduunka masiibooyin qaran meelkasta way ka dheceen, Dawladaha hoose waxay awoodooda isticmaali karaan oo ay go’aamo sameyn karaan inta khayrka iyo barwaaqada lagu jiro hadiise ay timaado masiibo qaran sida daad meel qaaday, dab meel ka holcay, cadow soo duulay iyo wixii la mid ah marka ay dhacaan Dawladaha Hoose oo dhan ee dunida ka jiraa waxay toos uga amar qaataan sugaana Tilmaamteeda Xukuumada Sare ee talada qaran haysa, maadaama wixii dhacay uu yahay wax saameyn ku yeelanaya qaranka oo Magaalada oo kaliya aan qasaarihiisu ku eekaanayn.
Su’aasha isweydiinta mudan waxa weeye Maayar Mooge ma waxa uu rabaa inuu go’aamo qaato qaranka oo dhan saameynaya taasoo aan loo dooran inuu qaranka masuul ka noqdo ee loo doortay inuu magaalo kaliya ka masuul noqdo.
Cidkasta waxa ogtahay wixii suuqa Hargeysa ka dhacay inay saameyn ku yeelanayso Geeska Afrika hawsha taala iyo dib habeynta suuqaasi waa mid u taala Madaxweynaha Somaliland sidaas daraadeed ayay madaxweynayaasha iyo Raysal Wasaarayaasha Caalamku ay ula soo hadleen Madaxweynaha Somaliland Oo ay ugu baaqeen inuu wadankoodu wadankisa wax tari doono oo ay taageri doonaan dib u dhiska suuqa Waaheen ee Hargeysa.

adii ay hawshani u taalo Maayarka Hargeysa oo kaliya oo aanay seynin Xukuumada sare Madaxda Caalamku Maayirka Hargeysa ayay lasoo xidhiidhi lahaayeen oo isaga ayay balan qaadka u sameyn lahaayeen, laakiin waxaynu wada ognahay in Madaxdii Caalamku lasoo xidhiidheen Madaxweyne Biixi maadaama ay tahay Masiibo Qaran.

Waxa Qoray: Cali Daahir
[email protected]
Hargeysa Somaliland