1 min read

NISA oo ka digtay shirqool ay sheegtay in lagu dili rabo Farmaajo iyo R/W Rooble

Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA ayaa digniin ay soo saartay ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal lagu baahiyey barta Twitterka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay inay xogta ay heleen ay la wadaageen madaxda sare.

NISA waxay sheegtay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjooge lagu magacaabo Maxamed Mahir.