1 min read

Madaxweyne Musa Bixi oo Somaliland dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqaday madaxbanaanida ee Somaliland , ayaa maanta dalka Dib ugu soo laabtay , kadib safar 10 cisho ah uu Mareykanka ku joogay. Dad aad u tirabadn ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha.

Madaxweyne Musa Bixi ayaa sheegay in iminka Somaliland ay kusoo jeedaan indhaha caalamka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa inoo furmay albaabo cusub oo ah inaynu xidhiidh la yeelano Dawladaha ugu waaweyn Dunida , Innagu dedaalka waynu wadaynaa oo dawlad walba waynu u tegaynaa, Xamarna Maraykanka xidhiidhka ha u jarto haddii ay ku dhacaan”” Madaxweynaha

Madaxweyne Musa Bixi ayaa sidoo kale yidhi “Waxa maanta innoo furmay xidhiidh cusub oo innooga baahan dedaal badan”