1 min read

Dagaalka Ukraine: Zelensky oo war cusub ka soo saaray aadna u amaany cidankiisa.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa bartiisa Facebook-ga ku sheegay in ciidamadiisa ay jab xooggan gaarsiyeen ciidamadda Ruushka ee ku soo duulay dalkiisa.

“Toddobaadkii la soo dhaafay, ciidamadeena geesiyaasha ah waxay dharbaaxo xooggan ku dhufteen cadowga, Khasaare la taaban karana way gaarsiyeen,” ayuu yidhi Zelensky.

Wuxuu sheegay in 16,000 oo askari oo Ruush ah la dilay, balse Ruushka ayaa sheegay in 1,351 oo kaliya ay dhinteen.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sidoo kale sheegay in uu mahad celinayo cidamadiisa geesiyaasha ah.