1 min read

Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo doorashadoodu ka socota Garoowe.

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ka socota doorashada lixdii kursi ee igu dambeeysay kuraasta taalla degaannada Maamulka Puntland.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa Maanta soo geba-gabeeynaya doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa degaan doorashadoodu tahay Puntland.

Eng Maxamed Cabdullaahi Kayse, ayaa ku guulaystay Kursiga HOP073 ka dib markii Musharaxii la tartamayey ee Cabdullaahi Cabdi Jaamac uu tartanka isaga haray doorasho oo lagu qabtay Xerada 54 aad ee Magaalada Garoowe.