1 min read

Khilaaf soo kala dhex galay dowladda Britain iyo shirkadda DP World.

Shirkadda maraakiibta iyo doonyaha ee P&O oo ay leedahay shirkada DP World ee Dubai kana shaqaysa biyo mareenno ku yaalla dalalka Britian, Holland, Faransiiska iyo Jamhuuriyadda Ireland, ayaa shaqada ka fariisisay illaa iyo 800 oo qof oo u shaqaalahooda ka tirsanaa.

Arrintan oo dowlada Britain ay aad uga careysiisay, waxaana Madaxda Shirkadda ay sheegeen inay tani qasab ku noqotay si looga gudbo inay shirkaddu burburto.

Mas’uul u hadlay Wasaaradda Gaadiidka Britain ayaa sheegay in aan la aqbali karin qaabka Sgirkadda DP World ula dhaqantay Shaqaalaheeda, isla markaana Shaqaalaha qaar, iyaga oo aan la ogeeysiin Maraakiibta si xooga ah looga dejiyay.