1 min read

Howlgal lagu dilay Saraakiil Al-Shabaab ah oo Soomaaliya ka dhacay.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Kuwa Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa si wadajir ah howlgallo qorsheysan uga fuliyey degaajo katirsan Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Degaanada ay Ciidamada howlgalka ka fuliyeen ayaa kala ah, Beerxaani, Qudus, Labikuus, Gaabow Gabdhooley, Shabac , Ceelcad, Cabdi dhoore, Mudulow, Qotey Tuweer iyo Buurqeylo ee gobolka Jubbada hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa sheegay in Howlgalka lagu burburiyay Goobihii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay dileen laba Sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab kana furteen  hubkii ay wateen labada Sarkaal ee la dilay.

Sidoo kale intii ay howlgalladu socdeen ayay ciidamadu waxay raashin iyo biyo gaarsiinayeen shacabka abaartu saameysey ee ku sugan degaannada howlgalka laga fuliyay.

Degaannada iyo degmooyinka katirsan Govolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay mar walba ka fuliyaan howlgallo kala duwan, iyaga oo la wareega degaani ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.