1 min read

Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhacaysa Galmudug.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta oo Axad ah Magaalada Gaalkacyo ku qabanaya doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay degaannada Galmudug.

Guddiga ayaa shalay diiwaangeliyay oo shahaadada musharraxmino guddoonsiiyay musharixiinta Shanta kursi, waxaana kuraasta Maanta doorashadooda la qabanayo & Musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.

1: Hop#101 oo ay ku tartami doonaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda xilgaarsiinta Xirsi Aadan Rooble oo kursigaan ku fadhiya & Caa’isho Xersi Maxamed.

2: Hop#013 oo ay ku fadhiso Maryan Maxamed Xuseen, balse ay ku tartami doonaan Murashixiinta kala ah Aadan Cismaan Xuseen (Qoryooleey) oo ah Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Galmuudg & Maymuun Xuseen Maxamed.

3: Kursiga HOP#060 oo ay ku tartami doonaan Ubax Tahliil Warsame oo kursigaan ku fadhisa iyo Hodan Cabdullaahi Shire, Qaali Cali Shire, Ayaan Xuseen Xasan (Wacan) iyo Nafiso Qaasim Bulxan.

Kurisiga Afaraad ee HOP#017 oo ay ku fadhido Duniyo Maxamed Cali ayaa waxaa ku tartami doona Qaladla Cali Cawaale iyo Axmed Cismaan Aadan.

Kursiga Shanaad ee Hop#001 oo uu ku fadhiyo Warsame Maxamed Xasan (Joodax) balse meesha laga saaray waxaa ku tartamaya Jawaahir Maxamed Axmed & Farxiyo Xasan Maxamed.

Maamulka Galmudug oo horay usoo geba-gabeeyay doorashada kuraastii taallay Dhuusamareeb ayaa la filayaa in uu dhawaan sidoo kale soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta taalla Gaalkacyo oo qaarkood ah kuwo xasaasi ah.