3 mins read

Somaliya armey ka dhacdaa, war inta kale hanoo dambeeysee, Maxamed naga Bixiya…=Nasashada Jimcaha.Q-294=

  1. Naag aan ku rabin Qiil ma weeyso, koo Ciyaalka Xaafadda ah ayaa Caasha Caqlileey ku yiri: Haddii aad Caawa ila joogi leheyd, xagaan kaa salaaxi lahaa, Xagaan kaa xogi lahaa, saas iyo saac aan ku yeeli lahaa. waxa ey ku tiri: Meeqa Naag ayaad u tagtay?. waxa uu ku yiri: Weligeeyba uma tagin. waxa ey ku tiri: Iga tag ma Anigaad igu Barbaree.

Waxa uu yiri: Sug, Sug, Toban ayaan u tagay. waxa ey ku tiri: Bax, Tobankii waxa ey kaaga tageen ayaad qabtaahe. ( F.S:1aad)
( Musharax ayaa Gudiggii Doorashada ku yiri: Haddii la i doorto sidaa iyo sidaa ayaan qaban lahaa. waxa lagu yiri: Afartii Sanno ee aad Xildhibaanka soo aheyd waxa aad sheegee ma qabatay? waxa uu yiri: Maya. waxaa lagu yiri: bax. waxa uu yiri: Laakin Madaxda Dowladda ayaan Afar sanno daacad u ahaa. waxaa lagu yiri: Bax, Waxa ey kugu naceen ayaadba Qabtaa. iyagaaba Liiska kaa soo reebay)

  1. Gabar ayaa FaceBook soo saaratay Nin kale oo Saaxiibo ey ahaayeen, ayaa Saaxiibkeedii koowaad oo maseyrsan aadna u careeysan ku yiri: waa kuma Doqonkaan Foosha xun, oo Eeyga ah oo aad soo saaratay FaceBook. waxa ey ku tiri: waa Sawirka Aabaheey oo dhalin yaro ah.
    ( Oday Somali ah ayaa Maqlay, Madaxda Somalidu waxa ey u codeeyeen in la cambaareeyo Ruushka. isaga oo careeysan ayaa Saaxiibkii ku yiri: ha caroon, is deji, Madaxdu waa Qurba joog. Haddii Somaliya la cambaareeynayo waxa ey u codeey lahaayeen in nala Cambaareeyo. Markii Passporka la siinayay Madaxdeena ayaa lagu dhaariyay in cid kasta oo ey isqabtaan kan passportiga siiyay ey la saftaan, yeey ku dhihin Sawirka Madaxweynaha Mareykanka “Joe Biden”, waa Sawirkii Aabahey oo yar) ( F.S: 2aad)
  2. Gabar Reer Xamar ah ayaa Habeenkii Aqal galkeeda Ubaxii jaceeylka oo aad u fara badan Sariirta loogu dul daadaadiyay. Nankeeda oo Reer Gaalkacyo ahaa ayaa ku yiri: Naa Qashinkaan naga Xaaq. ( F.S: 3aad)
    ( Gaala iska yeel yeel, yuuna Gurigaaga kaa dumin )
  3. Koo Reer Gaalkacyo ahaa oo 4 Bilood Mareeykanka Joogay. ayaa waxa uu jeclaaday Gabar Mareeykanka Madoow ah. waxa uu ku yiri: Cadeey, Geenyo ayaa tahay. waxa ey ku tiri: Af ingriis iigu sheeg. waxa uu yiri: ( you white girl, you are like She Horse )
    Saaxiibkaa, waa la soo masaafuriyay, waxaa la yiri: waxaa tahay Cunsuri, Dadkana Aflagaadeeyo. Hadda waa macalin Luqada Ingriiska ka dhigo Gaalkacyo. ( F.S: 4aad)
    ( Reer Gaalkacyo, Ingriis ku hadlaa haddii aad aragto, Grammar ha weeydiin)
  4. Gabar Reer Gaalkacyo ah oo aan weligeed Qaad Cunin ayaa lagu Casuumay, Mafrash Qaad lagu Cunayo. Gabadhii Qaadkii ayeey si boobsiis ah u cuntay. waxaa lagu yiri: war saan looma cuno ee tartiib. waxa ey tiri: Ma dhuuq dhuuqaa sida Nac nacii. ( F.S: 5aad)
    ( Yaan Gabdhaha Balwadda been been lagu barin )
  5. Oday Siidow oo dhax jiifo Qol Cariish ah oo uu ka deganaa Deg. Waaberi, Wiilashiisuna ey ku ag Casheeynayeen ayaa waxaa Qolkii soo galay Orgay Ari Carbeed ah. Odaygii ayaa ku yiri: Maxamed oo Wiilasha u weeynaa, Naga Bixi Orgiga. Maxamed ayaa Iskoobi soo qaaday. isga oo Qol orgiga ku dhax ceeyrsanayo ayuu Iskoobihii ku dhuftay Faynuustii. Feyneystii ayaa Dam tiri. Weelkii Cashada lagu cuntay oo kuleyl ahaa, ayuu Dhinac uga istaagay. Kor ayuu u booday, Kadibna Aabihii oo dhulka jiifay ayuu Lug Caloosha ka saaray tii kalena Wajiga.
    Aabihii oo Qeylinayo ayaa yiri: war Orgiga iska dhaafa ee Maxamed naga bixiya. ( F.S: 6aad)
    (Somaliya armey ka dhacdaa, war inta kale hanoo dambeeysee, Maxamed naga Bixiya, Maxamed waa badan yahay ee waa kee ?)
    Qore: Yahya Amir