3 mins read

Murti jaceeyl: Kuma khiyaamin Mid Aamin ah, ee Adigaa aaminay mid khaa’in ah.

Kalmadda Falsafad ” Philosophy” waxa ey ka koobantaa laba kalmadood oo kala ah “Philo” iyo “sophy” oo kala ah Murti iyo Jaceyl.

Badnaa marka la tarjumayo Falsafdaha looma tarjumo si eray eray ah ee waxaa la tarjumaa ujeedada, kadibna tusaale ayaa loo qaataa.

  1. Sayidinaa Cali Bin Abii Daalib RC ayaa yiri:Kuma khiyaamin Mid Aamin ah, ee Adigaa aaminay mid khaa’in ah. ( F.S: 1aad)
    ( Amiin waa mid ka mid ah Naaneysyada Rasuulkeena Muxamed- Amiin CSW, Sideedaba Qof markii horeba ahaa Aamin Dadka ma khiyaano.
    Somaliyeey, Madax wanaagsan Ballan kama baxdee, Ammaan Annagu Aaminay kuwo aan Ballan leheeyn… Gabareey Nin qowl leh, Ballan kama bexee, Ammaad Adigu iska aamintay mid aan Ballan leheyn)
  2. Maaroon Abuud ayaa yiri: Jaamacdda waxaan Galay Aniga oo Jaahil ah oo aan Shahaado heeysan. kadibna Jaamacadda waxaan soo dhameeyay, Aniga oo Jaahil ah oo Shahaado heeysto. ( F.S: 2aad)
    ( Yaa, yaa, Kaasu Ammoow Aniga yahay. laakin kaligey noqon maayo, kuwa kalena waa ila jiraan.
    Allow Shahaado doon kaliya hanaga dhigin ee kuwo si dhab ah wax u fahmo oo waxa ey bartaan Dadka iyo Dalka ku anfaco naga dhig, Runtana Dadka la wadaago, iyadaanba Runta la jecleeyne, Alloow Aniga iyo Jaahiliinta kale ee Aniga Camal ahna, Nuurka Aqoonta noo fur)
  3. Isaac Asimow ayaa yiri: Haddii Doqonnimada loo tixgalyo in ey tahay Wadaniyad. waxaa khatar ku jiro kuwa Garaadka leh. ( F.S: 3aad)
    ( Qofkii Aakhiradiisa ku hilmaamay Aduunyo aan lagu waareeyn, Dantii Guud ee lagu aaminayna ka doorbiday tiisa gaarka ah, kaasi Doqon wadani loo aqoonsaday waaba yahay, ee Adigu ma tahay kuwa garaadkooda khatarata ku galay? )
  4. Benjamin Franklin ayaa yiri: Dadka qaar waxa ey geeriyoodaan iyaga oo 25 jir ah, waxaana la aasaa iyaga oo 75 jir ah ( F.S: 4aad)
    ( Dhalinyaro badan ayaa iyaga oo 25 jir ah la marin habaabiyaa, sida kuwa joogo wadamada Qurbaha qaar, ama kuwa Gudaha ee lagu isticmaalay aragti khaladan. kadibna garaad uma kordhin ee Gu’ ayaa u kirdhay illaa 75 jir ey ku geeriyoodeen iyaga oo weli baadi ahna la Aasay. ( F.S:4aad)
  5. Wiil ayaa Aabihii ku yiri: Aabe waa maxaay Howsha UN iyo Beesha Caalamku? Aabihii ayaa yiri: waa in Wadanada ey u bedelaan Xeryo Qaxooti ( F.S: 5aad)
    (Maxaa wadamo badan Dadkoodii Daaraha deganaa ay u hoydeen Xeryo Qaxooti, ayna dhici karto in UN iyo BBC ey si toos ah ama Dadban ay sabab ugu ahaayeen)
  6. Henry Miller ayaa yiri: waa suura gal in aad la dagaasho shar, laakin suura gal ma ahan in aad la dagaasho Doqonnimo. ( F.S:6aad)
    (Jaahilnimo Dad waa ka daaweyn kartaa ee Doqonnimo Dad maka daaweyn kartaa? )
  7. Wole Soyinka ayaa yiri: Buugaagta iyo Qoraalada kale, Mar kasta waxaa Argagixiyo kuwa Runta Cadaadiyo. ( F.S: 7aad)
    ( Ar Kuwa qoraaladeyda igu dhibsaday ameey yihiin kuwa la yiri, Runta Cadaadiya. ma ogi )
  8. Jibraan Khaliil ayaa yiri: Shimbirtu, Shabaqa ey ku xabisan tahay dhaxdiisa kama dhisato Buul/ Guri shimbireed, si eynan ilmaheedu uga dhaxlin Adoonnimo.( F.S:8aad)
    ( Ha ku noolaan nolol aadan Xur ku eheyn, si Ilmahaagu eyna kaaga dhaxlin Adoonnimadii aad ogolaatay)
  9. Alexandra K. Trenfor ayaa yiri: Macaliminta wanaagsani waa kuwa ku tusiyo halka aad fiirinee, Laakin aan kuu sheegin waxa aad arkee ( F.S: 9aad)
    ( Qofka tus halka khatartu ka soo socoto, Laakin, ha dhihin khatarta u arag sida aan Anigu rabo in aad u aragto oo kaliya. waxaa dhici karto in uu ka arako khatara dhinac kale oo xalkeedu ka dhaw yahay)
  10. George Garlin ayaa yiri: Doqonta Sharteeda ha yareeysan, weliba haddii Doqomadu ey yihiin kuwo badan . ( F.S: 10aad)
    ( ………………………….)
    FG: wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar. Mahadsanid
    Qore: Yahya Amir