3 mins read

Ha isku Daalin Ukrine.

Maalmahaan waxaa ugu hadal heyn Badan Arrinta Ukrine. Ruushaa Gar leh iyo Mareykanaa Jid leh.
Ukraine ma aheyn wadan Dimoqraadi ah. Madaxweynaha Ukrine in kasta oo Asal ahaan uu yahay Nin Yuhuudda Reer Ukrine ah, Haddana waxa uu baabiyay Dimoqraadiyaddii laga sugayay, markii la dooranayay isaga.

Madaxweynihii Hore ee Burburiyay Midawgii Sufyeeti/ Ruushkii Mr. Gorbajev waxa uu ahaa yuhuuda Raashiya ,kaa oo Ukrine iyo Gobala kaleba ka jaray Rashiya, laga yaabee in ey tahay Rag xisaab hore ku kala aar goosanayo, taasina Annaga nama khuseyso.
Dhinaca kale, waxaana la leeyahay. Ruushku waxa uu ku duulay wadan Dimoqradi ah, Madaxbanaan taa oo ka hor imaanee, shuruucda Caalamiga ah iyo Madaxbanaanida Dalalka.
Markii Mareykanka iyo Xulufadiisu ey ku duulayeen Libiya iyo Ciraaq iyaguba soow ma aheyn wadamo Madax banaan oo lagu soo duulay,
ha ku ceeboobin, sida Amb.Martin kimani oo ah Safiirka kenya ee UN, haddii aad khudbadiisii Golaha Amaanka dhageeystay waxa uu qirayaa in NFD eynan aheyn Dhul kenya leedahay, isaga oo aan soo hadal qaadin NFD, laakin fasrika siyaasadeed sidaa loo qaadan akro, isaga oo is moog oo xanaaqa uu u qabo Ruushka ku hilmaamay waxa uu sheegay, laakin xaqiiqda lama qarin karo.Kenyati badan ayaa ku dhaliilay Arrintaa.
kaba sii darne, sida la sheegayo, kenya oo hadda ka mid ah xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Amaanka ayaa Safiirkoodu Cambaareyay, talaabada Ruushku ka qaaday Ukrine.
Mr. Purin, ayaa u jawaabay oo yiri: Baahida iyo Nafaqa darada Kenya ka jirto wax ka qabo inta aadan wax nooga sheegin Doodaha Caalamiga ah. intaa uguma sinin ee Mr. Putin waxa uu yiri: wakiilka kenya u joogo UN waa sida Wiil yar oo koray Geedka “Baobob”, rabo in uu ruxo Geedka si miro uga soo daataan, laakin aan Geedka ruxi karin ee Dabadiisa oo kaliya ruxruxayo.( F.S: 1aad)
Doodaan Ukrine ee aad isku daalinee ma ahan mid maalmo ku soo dhamaaneeyso, mana ahan mid doodaha fadhi ku dirirka Somalidu wax ka bedeli karaan ee ha isku daalin.
Saameynta guud ka sokoow, saddax saameeyn ayeey Somlida ku yeelan kartaa:

  1. Ardaydeena wax ku barato Ukrine.
  2. Ukrine oo ah wadanka 5aad ee ugu soo saarka badan Qamadiga, ayaa laga yaabaa in Sicirka Qamadiga iyo Burka Aduunku uu aad u kaco, aadna uu hoos ugu dhaco soo saarida Burka iyo Qamadiga taasina ey saameyso Canjeerada iyo Rootiga aad ku Quraacato.
  3. Somalida sugeeysay in loo qaado qaxootiga wadamada Reer galbeeda Gaar ahaan Kanada, ayaa lagu bedeli doonaa kuwa Reer Ukrine oo Jaaliyadahooda Kanada ey u dacwoonayaan.
    Ficiladda Dowladaha Xooga leh Dambi ma noqdaan ee haku daalin, Shuruucda Caalamiga ah waxaa loo sameeystay in ey qabtaan Adiga oo kaliya. Visa Mareeykan ayaa laguu diiday, Adiguna kaaga uma diidi kartid.
    Ma ogi hadaad dhihi doonto, Geelii Gantaalada Xambaarsanaa ee Gaal jecel Cirka u dirtay ayaa Dagaalka Ukrine wax ka badali doono. ( F.S: 2aad)
    Ukrine, Adiga kuuma taal ee waa arrin u taal Ninka ah Wasiirka Gaashaandhiga Ruushka iyo Lixda Gabdhood ee ka midka ah Wasiiradaha Gaashaandhigga ee Reer Galbeedka. ( F.S: 3aad)
    Saddax Gumeeysi iska xureey:
  4. Gumeeysiga Islaamka kor ka heeysto.
  5. Gumeeysiga Somali kor ka heeysto.
  6. kan Deegaanka aad ku nooshahay Adiga kugu heeysto.
    FG: wixii ka khaldan ka sax wixii ka dhimanna ku dar.
    Qore: Yahya Amir