1 min read

Duuliyihii ugu caansanaa Ciiddanka Cirka ee Ukraine oo lagu dilay Hawada Sare ee Kyiv+Sawirro.

Duuliye Colonel Oleksandr Oksanchenko oo lagu naanaysi jirey Yeeyda Cawlan ( Grey Wolf) ayaa waxaa habeenkii jimcaha lagu dilay Dagaal dhanka Cirka (Air Battle) oo ka dhacay meel ku dhow Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.


Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy waxa uu Duuliyahaasi ku abaal mariyey Billedda Geesinimada Ukraine (The Hero of Ukraine).

Dowladda Ukraine waxay xaqiijisay inuu ka baxay mid ka mid ah Duuliyayaasha Dagaalka ee Caalamka (one of the best fighter pilots in the world).

Warar aan la xaqiijinin ayaa waxay sheegeen in Duuliye Colonel Oleksandr Oksanchenko “Grey Wolf” la dilay , kadib, markii Diyaaradii uu Duuliyaha ka ahaa oo nooceedu ahaa Su-27 Flanker lala helay Nidaamka Gantaalka casriga Raashiya ee S-400.

Ustaad Nuradin Haji