1 min read

Xildhibaan ka badbaaday in ka badan 6 qarax oo Beledweyne lagu doortay

Xarunta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa shalay lagu doortay ilaa 3 xildhibaan oo saddexdoodaba ka mid xukuumadda waqtigeedu dhammaanay.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah fhayeenka ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble isla markaana u tartamayay kursiga tirsigiisu yahay HOP 068 ayaa noqday mudanihii ugu saameynta badnaa.

Mar uu ka hadlayay kaddib guushiisa ayuu sheegay inay mid u soo hoyatay dadka u adkeysta duruufaha adag ee dalka ka jira, saxafiyiinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan oo markii ugu horeysay ka mid noqonaya golaha baarlamaanka federaalka 11aad ayaa sheegay inuu xilkiisa ugu adeegayo dadka iyo dalka.