1 min read

Ciidanka Ruushka ayaa gudaha u galay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine

Ciidanka Ruushka ayaa gudaha u galay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine oo lagu magacaabo Kharkiv, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan Ukraine.

Dowladda Ukraine waxaa ay sheegtay in ay ciidankooda difaaca cirka ay dhulka soo dhigeen Gantaal ka yimid dhanka wadanka Belarus sida uu bogiisa twitterka ku qoray afhayeenka wasaaradda arrimaha debadda Ukraine.

Ciidanka Ukraine ayaa wadooyinka magaaladaas kula dagaalamaya ciidanka Ruushka ayada oo shacabka loogu baaqay in ay galaan meelaha gabaadja looga dhigan karo gantaalada .

Dagaalka ayaa galay maalintii afaraad waxaana jira khasaare aad u xoogan oo kala gaaray labada dhinac mana jirto saan saan muujineysa in dagaalka uu joogsan doono.

Wafdi wada hadal ah oo Ruushka ka socday ayaa gaaray wadanka Belarus si wada xaajood loola furo dowladda Ukarine balse Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa arrinkaasi gaashaanka u daruuray waxaana uu sheegay in dhankooda wada hadal ay diyaar yihiin hadii lagu qabanayo wadan ka baxsan Ruushka iyo Belarus.