7 mins read

Madaxweynaha Ukraine oo faah faahin ka bixiyay dagaalka uu kusoo qaaday Ruushka.

KYIV:-Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay duqeymo cirka ah u geysteen xarumaha milatariga iyo saldhigyada ciidamada ilaaliyo xadka.

“Ruushka si khiyaano ah ayuu saakay u soo weeraray qarankeenna, si la mid ah sidi ay Naziyiintii Jarmalka sameeyeen sannadihi Dagaalki Labaad ee Dunida” ayuu ku yiri qoraal uu madaxweyne Zelensky soo dhigay bartiisa Twitter.

Wuxuu ku dhawaaqay in dowladdiisu ay dalka gelisay xaalad militari, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay is dejiyaan oo ay guryahooda joogaan.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo ku dhawaaqay in Ukraine ay jartay xiriirkii dibolamaasi ee ay la lahayd Russia. Isaga oo ku booriyay dhammaan muwaadiniinta dooneysa in ay dalka difaacaan ay soo baxaan si loo siiyo hubki ay ku dagaallami lahaayeen.

Millatarga Ukraine ayaa sheegay in Ruushku ay saakay aroortii billaabeen duqeymo ay ku beegsanayaan ciidamada Ukraine ee ku sugan dhinaca bari, sidoo kalana ay gantaallo ku weerareen garoomada diyaaradeed ee dhowr magaalo oo ku yaalla Ukraine.

Kaaliyaha madaxweyne Zelensky ayaa wariyaasha u sheegay in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen duullaanka uu saakay Ruushka ku qaaday Ukraine.

Xaaladda magaalada caasimadda ah ee Kiev oo ay ku noolyihiin ilaa saddex milyan oo ruux ayaa kacsan. Faras-magaalka Kyiv oo aheyd halka ugu mashquulka badan ayaa maanta maran, iyada oo dadku ay safaf dhaadheer ugu jiraan bankiyada iyo dukaanada cuntada laga gato iyo kaalinnada shidaalka.

Waxaa cariiri darani ka jiraa waddooyinka waaweyn ee ka baxo Kyiv, kaddib marki jidadku ka tan bateen baabuurta kusii jeeda dhinaca galbeed.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dadka Ukraine ay ku dhibaato mudanayaan weerar aanan sabab iyo cudur daar laheyn oo ay kala kulmeen ciidamada millatariga Ruushka.

Biden wuxuu sheegay in madaxweyne Putin uu doortay dagaal lasii qorsheeyay oo kaliyah horseedi doona masiibo iyo khasaaro naf iyo maalba leh. Isaga oo ballan-qaaday in Mareykanka, xulufadiisa iyo bah-wadaagtisa ay jawaab xoogan ka bixi doonaan duullaanka Ruushka, isla markaana ay dunidu la xisaabtami doonto Ruushka.

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Biden uu shacabka Mareykanka u jeediyo khudbadb uu kaga hadli doono dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga NATO Jens Stoltenberg oo goor dhaweyd hadlay ayaa sheegay in duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine uu kala dhantaalay nabadda Qaaradda Yurub.

Jens Stoltenberg ayaa ugu baaqay madaxda Isbaheysiga NATO in Jimcaha berrito ay isugu yimaadaan shir madaxeed deg deg ah.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa Boris Johnson ayaa duulaanka Ruushka ee Ukraine ku sifeeyay masiibo ku habsatay Yurub. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in isaga iyo Madaxweynaha Faransiiska Macron ay shacabkooda la hadlaan.

Turkiga ayaa ugu baaqay Ruushka inuu joojiyo wax uu ku tilmaamay falalka aanan sharciga iyo caddaaladda ku saleysneyn uu ka billaabay Ukraine.Wasiirka Arrimaha dibadda Mowlud Jawusowlu ayaa sheegay in Turkiga uusan aqbali karin kana soo horjeedo dagaalka Ruushka ku qaaday Ukraine.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay kulan deg deg ah oo ay xalay Golaha Amaanka ka yeesheen colaadda Ruushka uu ka wado Yurub, ayuu ka codsaday madaxweyne Putin inuu ka hortago dagaal uu dhiib badani ku daato.

“Caawa, kaliyah waxaan hayaa hal sheey oo aan dhaho kaas oo kasoo go’ay gunta qalbigeyga: Madaxweyne Putin, ka jooji ciidankaada weerarka Ukraine. Nabadda sii fursad, dad aad u badan ayaa mar hore geeriyooday,” ayuu yiri Guterres.

Madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay duqeymo cirka ah u geysteen xarumaha milatariga iyo saldhigyada ciidamada ilaaliyo xadka.

“Ruushka si khiyaano ah ayuu saakay u soo weeraray qarankeenna, si la mid ah sidi ay Naziyiintii Jarmalka sameeyeen sannadihi Dagaalki Labaad ee Dunida” ayuu ku yiri qoraal uu madaxweyne Zelenskky soo dhigay bartiisa Twitter.

Wuxuu ku dhawaaqay in dowladdiisu ay dalka gelisay marshal low, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay is dejiyaan oo ay guryahooda joogaan.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo ku dhawaaqay in Ukriane ay jartay xiriirkii dibolamaasi ee ay la lahayd Russia. Isaga oo ku boorriyay dhammaan muwaadiniinta dooneysa in ay dalka difaacaan ay soo baxaan si loo siiyo hubki ay ku dagaallami lahaayeen.

Millatarga Ukraine ayaa sheegay in Ruushku ay saakay aroortii billaabeen duqeymo ay ku beegsanayaan ciidamada Ukraine ee ku sugan dhinaca bari, sidoo kalana ay gantaallo ku weerareen eraboorada dhowr magaalo oo ku yaalla Ukraine.

Kaaliyaha madaxweyne Zelenskyy ayaa wariyaasha u sheegay in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen duullaanka uu saakay Ruushka ku qaaday Ukraine.

Xaaladda magaalada caasimadda ah ee Kiev oo ay ku noolyihiin ilaa saddex milyan oo ruux ayaa kacsan. Faras-magaalka Kiif oo aheyd halka ugu mashquulka badan ayaa maanta maran, iyada oo dadku ay safaf dhaadheer ugu jiraan bankiyada iyo dukaanada cuntada laga gato iyo kaalinnada shidaalka.

Waxaa cariiri darani ka jiraa waddooyinka waaweyn ee ka baxo Kiiv, kaddib marki jidadku ka tan bateen baabuurta kusii jeeda dhinaca galbeed.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dadka Ukraine ay ku dhibaato mudanayaan weerar aanan sabab iyo cudur daar laheyn oo ay kala kulmeen ciidamada millatariga Ruushka.

Biden wuxuu sheegay in madaxweyne Putin uu doortay dagaal lasii qorsheeyay oo kaliyah horseedi doona masiibo iyo khasaaro naf iyo maalba leh. Isaga oo ballan-qaaday in Mareykanka, xulufadiisa iyo bah-wadaagtisa ay jawaab xoogan ka bixi doonaan duullaanka Ruushka, isla markaana ay dunidu la xisaabtami doonto Ruushka.

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Biden uu shacabka Mareykanka u jeediyo khudbadb uu kaga hadli doono dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga NATO Jens Stoltenberg oo goor dhaweyd hadlay ayaa sheegay in duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine uu kala dhantaalay nabadda Qaaradda Yurub.

Jens Stoltenberg ayaa ugu baaqay madaxda Isbaheysiga NATO in Jimcaha berrito ay isugu yimaadaan shir madaxeed deg deg ah.

Ra’isulwasaaraha Britain ayaa Boris Johnson ayaa duulaanka Ruushka ee Ukraine ku sifeeyay masiibo ku habsatay Yurub. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in isaga iyo Madaxweynaha Faransiiska Macron ay shacabkooda la hadlaan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay kulan deg deg ah oo ay xalay Golaha Amaanka ka yeesheen colaadda Ruushka uu ka wado Yurub, ayuu ka codsaday madaxweyne Putin inuu ka hortago dagaal uu dhiib badani ku daato.

“Caawa, kaliyah waxaan hayaa hal sheey oo aan dhaho kaas oo kasoo go’ay gunta qalbigeyga: Madaxweyne Putin, ka jooji ciidankaada weerarka Ukraine. Nabadda sii fursad, dad aad u badan ayaa mar hore geeriyooday,” ayuu yiri Guterres.

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa hadafka duullaankiisa ee Ukraine ku sheegay inuu yahay inuu hub ka dhigis ku sameeyo milatariga iyo in Ukraine laga nadiifiyo wax u ku sheegay haraaga Naaziga.

Dadka ka faallooda arrimaha millatariga ayaa ka digaya in duullaanka Ruushka ee Ukraine uu sababi karo masiibo bani’aadan tii ugu xumeyd oo ka dhacda Yurub, tan iyo dagaalki labaad ee dunida.