|

Madaxweyne Deni oo ka hadlay qarixii lagu dilay Nabaddoonada.

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Xukuumadda Iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariisto Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday qaraxii argagixisnimo ee ka dhacay Boosaaso.

AHUN waxay ahaayeen labo Odey oo si weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta iyo horumarka, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkoodii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen. Dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi waxaan alle uga baryaya in uu u booga dhayo, aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Posted by on Feb 20 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]