1 min read

Biden”Putin wuxuu go’aansaday in uu ku duulo Ukraine”.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa gelinkii dambe ee shalay oo Jimco ahayd sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu go’aansaday inuu ku duulo Ukraine.

Milateriga Ruushka ayaa ku dhawaaqay in Sabtida maanta ah ay sameyn doonaan dhoolatus ballaaran oo ay ku sameynayaan ciidamadooda istaraatiijiga ah ee Nukliyeerka, kaasoo Putin uu si shaqsi ah u kormeeri doono.

Si kastaba ha noqotee, Madaxweyne Biden wuxuu sheegay inuusan rumaysnayn in Putin uu si dhab ah uga fikirayo adeegsiga hubka Nukliyeerka.