3 mins read

Siyaasiyiintu, wax badan, wax aanan jecleeyn waa nagu buufiyeen ee.. =Nadashada Jimcaha. Q- 292=

  1. Nin ayaa Bus u raacay Gobal, waxa uu fadhiistay Kursiga Gadaale, Gabar ayaa soo dhinac fadhiisatay, waxa eyna shidatay Sigaar. Dhowr jeer ayuu ku yiri: naga dami waa i dhibaahe. waxa ey ku tiri: Lacagteyda ayaan kala soo baxay.
    Waxa la tagay Tuulo, waxa uu ka soo iibsaday “Biif Baaf” sunta kaneecada. markii Buska la soo koray ayuu Buufiyay. waxa ey ku tiri: war naga dhaaf sunta, ma kaneeco ayaan nahay? waxa uu ku yiri: Lacagteyda ayaan kala soo baxay. ( F.S: 1aad)
    (Siyaasiyiintu, wax badan, wax aanan jecleeyn waa nagu buufiyeen ee amaan Markooda Biif Baaf ku buufinaa)
  2. Saddax Alifle Reer Boosaaso ah ayaa loo bedelay Ceel Buur, isaga iyo Saddax Asgari oo Reer Ceel Buur ah ayaa Saldhiga joogtay hal meel ayeey wax ku wada cuni jireen. Maalintii dambe mid ka Mid ah Asgartii ayaa Dhuusay. Saddax Aliflihii Reer Boosaaso ayaa ku yiri: war naga daaya dhuusada balaayo Cambuula cunid badane.
    Maalintii Xigtay ayaa Saddax Aliflihii Dhuusay. waxaa lagu yiri: naga daa dhuusada lagaama Cambuula cunid badnee. waxa uu yiri: Boowe, Nin aan dhuusin waa Meyd. iyaguna Saldhigii ayeey ku soo dhajiyeen Tabeele Dhuusada ka dhigayo dambi ( F.S:2aad)
    ( Ar Suuraha Reer Boosaaso, Raguna waa ku jiraan miyaa ? )
  3. Nin ayaa Xaaskiisii Areebo nimo uga yaabay, waxa uu ku yiri: war Guriga iska nadiifi, Xaafadda oo dhan waxaa laga joogi la’yahay urka ka soo baxayo Gurigeena.
    iyada oo ka carootay Hadalkaa ayey Boorsadeeda Hore u soo qaadatay. markii ey iridda ka sii Bexeeysay ayuu Gacmaha kor u taagay saddax jeer isaga oo leh: Sh. Cabdulqaadiroow, Naagteeyda waan jeclahay ee ii soo celi. Gadaal ayeey u soo jeesatay iyada oo hore u soo hantaaturoonee oo leh: Sh. Cabdulqaadiroow, i dhaaf, duudka ha iga soo riixine, Anigaa tartiib guriga u galayee. ( F.S:3aad)
    ( Siyaasi Fashilmay oo iska tagi lahaa ayaa qolo leedahay hanaga tagin. markaa ayuu isaguna leeyahay, waan iska bixi lahaa ee Dalka iyo Dadka ayaa ii baahan)
  4. Wakhtigii Ururka Al Itixaadku soo bilaabanayay ayaa Wiilal Al itixaadka ku biiary waxaa xanuunsatay Hooyadood oo waayeel ah. waxa ey u qaseen 100 gram oo “Xabatu Soowda” ah. Duqdii oo aad u tabar yareed waa xamili weyday. waxa ey ku tiri: Wiilasheeydoow Daawadaan cusub oo aad i siiseen maxeey aheed, Tahliishii Macalinka Dugsiga ayaaba ka fiicneede. Waxa ey ku yiraahdeen waxaa isticmaali jiray Rusushii iyo Asaxaabtii hore. waxa ey ku tiri: Maandheeyskoow kuwaasi Niman xoog badan mireey ahaayeen?. ( F.S: 4aad)
    ( Ganacsatooy,Shacabku waa tabar yareeyay ee Ascaarta Cuntada ha ku darinina wax Shacabku uuna xamili karin)
  5. Caasho wafdi ayaa geeriyootay, Markii meydkeeda la sii waday ayaa la arakay Ninkeeda oo qoslayo, waxaa lagu yiri: Maxaad ku qososhay? waxa uu yiri: waa markii iigu horeysay ee aan ogaado halka ey u socoto.
    (Wareegto lug cad miyeey aheeyd ?)
  6. Gabar ayaa Wiil ku tiri: Wiilasha Somalida kama helo, Romantik ma ahan, Haddii aad wax sameeysaana wey ku sheeg sheegayaan, waa caato luga dhuudhuuban Culeeysna male.
    Wiilkii oo is xariifinayo ayaa ku yiri: Aniga Somalida oo kale ma ihi, Xattaa Dabeecadooda malihi, Gaal Gaal camal ayaan u dhaqmaa.
    Gabadhii ayaa ku tiri: Subxaanalaah, Alla ka cabso, Duliyohoow oo Sheydaanka iska naar. ( F.S: 5aad)
    ( Adoo ilbax nimo raadinaa, Gabdhaha Been ha u sheegin oo Dambi ha galin, Gabareey Adiguna majahaaga fiiri, oo is qiimeey inta aadan wiilasha dhaliilin, isma hurtooy Hab isasa siiya)
    Qore: Yahya Amir