|

Ma taqaannaa qaybta jirkaaga ka mid ah ee ku ilaalisa marka aad habeenkii hurdayso?!

Wali ma aragtay boolaboolo hurdeysa oo ma la yaabtay in ay hal il u furan tahay?

Shimbirtaas iyo kuwo kale oo badanba marka ay seexdaan waxaa soo jeeda qayb ka mid ah maskaxdooda halka qaybta kalena ay hurdeyso.

Hurdada noocaas ah waxay xayawaankaas ka caawisaa inay la socdaan xaaladda iyo dhaqdhaqaaqyada agagaarkooda iskana ilaaliyaan waxyeellada halka ay dhanka kalena helayaan nasiinada ay u baahan yihiin.

Seynisyahannada caafimaadka ee ku takhasusay arrimaha hurdada ayaa sheegay in maskaxda bani’aadanka ay sidoo kale la socoto agagaarkeeda marka uu qofku jiifo.

Maadaama ay indhaheennu xiran yihiin, habkaas ilaalinta ah wuxuu u dhacaa qaab ku dhisan dhageysi. Qayb ka mid ah maskaxda jiifta waxa ay ku howlan tahay shaqo kale oo isku dheellitir ah.

Si hurdada loo ilaaliyo waa in la yareeyo shanqaraha dhibka keeni kara, sida dhawaaqa dhibcaha roobka ee ku dhaca saqafka guriga – haddii uu jiingad yahay. Balse waa inaad durba kacdo haddii uu dhawaaqo cod waxyeello keeni kara.

Daraasad cusub, oo lagu daabacay Wargeyska ka faallooda arrimaha neerfayaasha ee Journal Neuroscience, ayaa muujisay in hal qaab oo maskaxdu ay ku gala aqoonsato codadka halista ah iyo kuwa aan halista ahayn ay tahay inay siyaabo kala duwan uga fal celiso marka aad maqasho codadka aad taqaannid iyo kuwa aadan aqoonin.

Habeen dhan ayay cilmi baareyaashu codad la duubay u daarayeen dad is xil qaamay oo si tabarucaad ah uga qayb qaatay daraasadda. Waxaa dadkan loo dirayay sariirta si toos ahna looma kicineynin.

Codadka la duubay waxaa laga daarayay ka qayb galeyaasha oo magacyadooda loogu yeerayo iyo mar magacyo kale la adeegsanayo. Mararka qaar waxaa la adeegsanayay magacyada dad uu yaqaanno qofka, sida aabihiis iyo qof saaxiib la ah. Mararka qaarna waxay ahaayeen magacyo uusan qofku aqoonin.

Cilmi baareyaashu waxa ay raadinayeen in ay ogaadaan kala duwanaanta hababka ay maskaxdu uga fal celiso codadka ay taqaanno iyo kuwa aysan aqoonin.

Waxa ay fahmeen labo qaab oo maskaxdu ay adeegsato.

Maskaxdu iskeed ayay si deggan ugu soo noqotaa, balse taasi waxay dhacdaa marka hurdada lagaa toosiyo, sida marka uu qof si taxaddar leh kuu taabto marka aad hurdeyso.

Mararka qaarna maskaxdu waxay iska dhaga tirtaa codad ay og tahay in aysan wax dhib ah kugu keeneynin, taasoo la sheego in ay ku dhacdo dadka lagu tilmaamo in ay hurdo culus yihiin.

Khubarada cilmi baarista sameeyay waxay ogaadeen in codadka qalaad ee aysan maskaxdu aqoonin ay abuuraan shanqar ka badan midda ay sameeyaan codadka ay garaneyso.

Waxa ay sheegeen in codadka cabsida leh ay yihiin kuwa uu qofku si dhakhso ah ugu kici karo marka uu hurdo, sidaas darteed maskaxdu waxay sameyneysaa soo kabasho deg deg ah oo naxdin isu baddasha.

Arrinta xiisaha badan ayaase ah in dadka tijaabada daraasdada lagu sameynayay ee loo daarayay codadka aysan aqoonin ay maskaxdoodu durba la qabsatay codadkaas, habeenkii oo kala bar ahna ay codadkii qalaadaa noqdeen kuwo la yaqaanno.

Arrintaas waxa ay muujisay sida ay maskaxdu qaab boobsiis ah ugu barato waxyaabaha aysan garaneynin.

Maxay ka dhigan tahay?

Inkastoo tani ay tahay daraasad yar, haddana natiijadeeda waxa ay kordhineysaa caddeymo horay loogu hayay xogta sharraxeysa sida ay u shaqeyso maskaxda bani’aadanka iyo qaabka ay u ilaaliso qofka marka uu hurdada ku jiro.

Shimbiraha qaar marka ay hirdaan waxaa u furan hal il

Seynisyahannadu waxa ay horay u sheegeen in maskaxdeenna ay gasho marxalad loo yaqaanno “howl askarinnimo” ama “heegan joogto ah” marka aan jiifno.

Tani micnaheeda waa in maskaxdu ay si buuxda ula socoto bii’ada agagaarkaaga ah, xitaa marka aad gamacsan tahay. Mararka qaar oo aad iskaa u soo toostid waxa hurdada kaa kiciyana maskaxda, sida ay khubaradu sheegeen.

Haddii uu dhib kaa haysto inaad hurdo hesho habeenkii, gaar ahaan marka aad meel cusub joogti, sida hoteel ama guri kale, hadda waad ogtahay sababta, waayo maskaxdaada ayaa mar walba ku kicineysa marka ay maqasho shanqaro aysan aqoonin.

Xigasho: BBC Somali

Posted by on Feb 18 2022. Filed under Caalamka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]