1 min read

Yaa cadaaladsan sidii uu gumaystuhu Soomaalida u qaybiyey qarnigii 19-aad & sida ay iyadu maanta isu qabinayso?.

1884-kii markii Gumaysigii reer Yurub ay shirkii Barlin yiraahdeen “Soomaalida haloo qaybiyo 5 qaybood,” dadka Soomaaliyeed aad bay uga xumaadeen.

Tan kale markii ay ka xoroobeen gumeystihii Reer Yurub waxay Soomaalidu maalintaas u aqoonsatay maalin laga galay dembi wayn oo loo geystay dulmigii ugu waynaa ee abid soo mara dadka Soomaaliyeed, taariikhdaasna waxay ku qoreen baal madow.

Ha yeeshee, maanta Soomaaliya yaa kala qaybinaya? Jawaabtu waa iyadaa iskala qaybineysa.

Marka waxeennu ma la jiifiyaana bannaan baa? Wixii dabayaaqadii qarnigii 19-aad Ummadda Soomaaliyeed dembi ku ahaa Maantana waa ka dembi.

Mise waxaan niraahnaa mar labaad buu gumeystihii noo soo dhuuntay oo howshii qarnigii 19-aad qabyada ka noqotay ayuu qarnigan 21-aad ka hirgeliyay Soomaaliya? HAA …TAN AYAA XAQIIQ AH MALAHA.

Tankale hadii aan taariikhdaas mugdiga ah aan iska indhatirno waxaan shaki ku jirin “sidii ay dabayaaqadii Qarnigii 19-aad reer Yurub Soomaaliya u qeybiyeen ayaa ka wanaagsaneyd oo ka cadaaladsanayd sida ay maanta Soomaalidu Soomaaliya u kala qaybineyso.

SAX sow ma aha? Ma cid diidan baa jirta?

Aun Nuur Faarax