1 min read

Guddoomiyaha Xiriirka K/cagta Soomaaliya oo is casilay

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya C/qani Saciid Carab ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xilkaasi iska casilay kaddib sida uu sheegay muddo 7 sano ah oo uu xilkaasi hayay.

Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay inuu xiriirka u soo shaqeeyay marxalado kala duwan oo adag isla markaana waxa uu sheegay in is casilaadiisa ay timid kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay xubnaha xiriirka.

Is casilaada guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ku soo beegmeysa kulamo horay Muqdisho ku yeesheen guddiga fulinta iyo xiriirada kooxaha K/cagta dalka oo ay ku go’aamiyeen inay xilka ka qaadeen.

Dhinaca kale dhowaan ayay ahayd markii wafdi ka socda xiriirka K/cagta adduunka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano FIFA ay kulamo la yeesheen madaxda XKCS ee is khilaafsan, waxaana maalinta Jimcaha la filayaa inay soo saaraan go’aano xal u ah khilaafkaasi.