1 min read

Inta aadan “Comment” Qorin isku Xir.

Inta Badan waan Akhriyaa “Comments-ka” Saaxiibadeey. Waxaan u Akhriyaa si aan wax uga faa’iideysto Aragtiyada kala duwan ee Saaxiibageey. Mararka qaar waxaan soo dhax dhigaa Aragti Anigaba ila qalafsan, si aan u ogaado jawaabaha laga bixinayo. Bacdamaa Dadku ey kala dooq, kala Da’ kala Aqoon iyo kala garaad yihiin, waxaan u soo qoraa Qoraalo aad u kala duwan oo aan ugu tala galay Asaxaabteeyda kala Dooqa iyo Garaadka ah, in Midba uu Akhristo Mowluuca uu jecelyahay oo aanan ku koobin koox kaliya.


Waxaa jiro kuwa mar kasta ka baxa Mowluuca, kuwaa waan iska xiraa, si eynan Booska uga buuxin kuwa kale.
Comments-ku waxa ey u badan yihiin:
A. kuwo aan Fahmin.

  1. Mid aan fahmin waxa meesha ku qoran, ee iska qoray Comment.
  2. Mid aan fahmin ee Qorayo wixii lagu yiri: Qor.
    3.Mid aan Fahmin ee Rabo in la fahamsiiyo.
    4.Mid aan fahmin, oo aan rabin in al fahamsiiyo.
  3. Mid aan Fahmin ee Rabo in loo fahmo sidii uu jeclaan lahaa isago in loo fahmo dhaliisha uu Qorayo.
  4. iyo kuwa kale.
    B. kuwo Fahmay.
  5. Mid Fahmay ee Arabo in uu Aragtiisa na fahamsiiyo.
    2.Mid Fahmay ee aan Rabin in uu qoraalka ka jawaabo, Jecelna in uu u jawaabo Qabiilka Qoraaga.
    3.Mid Fahmay ee Rabo in aan la fahmin in uu fahmay.
    Mid Fahmay ee Rabo in uu Dadka u fahamsiiyo, wax ka duwan wixii aad ula jeeday.
  6. Mid Fahmay ee Rabo in uu wax noo faa’iideeyo.
  7. iyo kuwa kale.
    FG: Fadlan inta aadan Comment soo qorin iska hubi, in Maskaxdaada, Carabkaaga iyo Gacantaada wax qoreeyso ey isku xiranyihiin. ( F.S: 1aad)
    Mahadsanid.
    Qore: Yahya Amir