1 min read

Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay inay faragaliso xukun ay riday Maxkamad ku taalla Gaalkacyo.

Hay’adda Samafalka ee Save the Children ee dalka Britain ayaa ku boorisay dowladda Soomaaliya Jimcihii in ay soo faragaliso dhalinyaro ay xukun ku riday Maxkamad ku taalla Magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland oo loo heystay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

“Wiilashan waxay mudan yihiin in la siiyo fursad dhaqan celin ah, waxaana ku boorrinaynaa dowladda inay xaqiijiso cadaaladda.”ayaa lagu yiri war kasoo baxay hay’adda.

Hay’adda Samafalka ayaa sheegtay in go’aanka Maxkamadda uu ka horimaanayo Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta, kaasoo ay Soomaaliya ansixisay 2015-kii.

Sida laga soo xigtay Amnesty International, lix waddan ayaa xukun dil ah ku fuliyay dembiilayaal aan qaan-gaarin tan iyo 1990-kii – Iran, Nigeria, Pakistan, Saudi Arabia, Mareykanka iyo Yemen.