1 min read

Ku: Xafiiska R/Wasaaraha. Calaamatu Su’aal +Tacajub= Su’aalul Tacajub. ( F.S: 1aad).

Xafiiska RW, Shaqadiisa ugu Muhimsani waa Xilgaarsiin weliba Dhinaca Doorashada, isaga oo adeegsanayo Dhamaan Heyadaha Nabadgalyada iyo kuwa kale ee Dowliga ah.


Hore Xafiiska R/W waxa uu noogu sheegay in Doorasho Cadaalad ah oo daahfuran ey Dalka ka dheceeyso. in Xafiisku uu kor joogteey doono Doorashada, iyo in dhoorashadu ey ku dhici doonto Nidaam Cadaalad ah oo loo siman yahay iyo inkale.
Waxaan la soconaa Doorashada Hadda ka socoto Dalku in eynan ku socon Habkii Cadaaladda ee la filayay, Bulshada oo dhanna wey u muuqataa sida wax u socdaan oo ah Hab Laaluush, Liis, Xoog iyo Anaa wato ku dhisan. Beelihii Xaqa u lahaana laga Boobay xaqii ey u lahaayeen in Qofka ey rabaan ey si xur ah u doortaan.
Welina ma maqal Xafiiska R/W, oo tagay Goobaha Doorashada si uu uga hortago Musuqa Baahay, ama in Guddiyada ka aamusay waajibaadkooda uu Talaabo ka qaaday ama Go’aan laga gaaray, Madaxda Maamul Gobaleedyada ee Horseedka u noqday Boobka kuraasta.
Muwaadiniin ahaan, Xafiiska R/W, waxaan Xaq ugu leenahay, in uu nala socodsiiyo sida wax u socdaan, iyo in uu fuliyo Balamaddii uu ka qaaday Bulshada uguna dhaartay Alla hortii.
FG: Musharax ma ihi, Ergana ma ihi, Cid aan u ololeeynayana ma jirto, Laakin waxaan Rabaa Xaqa aan u leeyahay in aan kula xisaabtamo Xafiiska R/W, in aan u helo jawaab, wixii Sharcigii lagu heshiiyay ka hor imaanayo ee ah Su’aalu Tacajubna, in aan ka hor tago.
Xafiiska R/W, waxaan ka sugeeynaa Jawaab qanciso Bulshada uu wakiilka uga yahay Doorashada.
Qore: Yahya Amir