3 mins read

Xulka Senegal oo guusha koobka kaddib si wayn loo soo dhaweeyay+Sawirro.

Xulka kubadda cagta ee Senegal ayaa soo dhaweyn ballaaran oo halyeynimo ah waxaa loo sameeyay markii ay dib ugu laabteen dalkooda kaddib markii ay markii ugu horraysay ku guulaysteen Koobka Qaramada Afrika.

Tobannaan kun oo qof, oo qaarkood ay gawaari ku dul fadhiyaan misana lulayaan calamo, ayaa waxa ay isugu soo baxeen si ay u soo dhaweeyaan ciyaartoyda markii ay soo cagadhigtaan Dakar iyagoo gacmahooda ku wada koobka ay soo qaadeen.

Madaxweyne Macky Sall ayaa ka mid ahaa dadkii ciyaartoyda soo dhaweeyay ee salaamayay.

Waxa ay aheyd xaflad lagu qabtay wadada dhexdeeda. Ma filaayo in Senegal weligood waxan oo kale ay ka dhaceen, ayey tiri weriyaha BBCda Emeline Nsingi Nkosi.

Dabaaldegyada ayaa waxa ay bilowdeen durbadiiba markii lagu dhawaaqay seerigii ugu dambeeyay ee ciyaartii habeenkii Axadda, ilbiriqsiyo kaddib markii laacibka kooxda Liverpool Sadio Mane uu xulkiisa u xaqiijiyay guusha taariikhiga ah ee ay ka gaareen gool ku laadyadii ay uga badiyeen xulka Masar.

Dadka ayaa isugu soo baxay waddooyinka Dakar, iyagoo qoob ka ciyaaraya oo bulaleer hawada u ganaya.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay markiiba ku dhawaaqeen in Isniinta ay maalin feesto qaran.

Senegalese fans celebrating
Qoraalka sawirka,Debaaldagyo ayaa waxa ay ka bilowdeen magaalada Dakar kaddib markii xulkooda ay ka adkaadeen midka Masar
Jubilant crowds in Dakar
Qoraalka sawirka,Barxadda taallada dib u soo noolaynta Afrika ayaa waxaa isugu soo baxay tobannaan kun oo reer Senegal ah si ay u daawadaan ciyaarta xulkooda uu la yeelanayo midka Masar

“Muddo dheer ayaannu arrintan sugaynay. Ugu dambayntii [koobkii] halkan ayuu yaal. Dhab ahaantii waynu u baahnayn,” taageere ay farxaddu ka badatay Modou Ba, oo 25-jir ah, ayaa u sidaasi u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Sidoo kale waxaa laga dabaaldegay caasimadda waddanka Faransiiska ee Paris, halkaas oo hoy u ah bulsho badan oo reer Senegal ah. Kumannaan qof oo taageerayaal dabaaldegaya ayaa isugu soo baxay fagaaraha caanka ah ee Arc du Triomphe.

Gool ku laadka guusha horseeday waxaa dhaliyay Sadio Mane, kaas oo baraha bulshada soo dhigay sawirkan isagoo sariirta la saaran koobka, sidoo kalana xiran biladda kooxda tartanka ku guulaysato la guddoonsiiyo.

Madaxweyne Sall ayaa soo gaabiyay booqasho uu dalal shisheeye ku marayay si uu si rasmi ah ugu soo dhaweeyo horyaalka Afrika maalinta Talaadada ah.

Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka, ayuu ugu hambalyeeyay kooxda, isagoo sheegay: “Ciyaar cajiib ah ayey aheyd! Waad guulaysateen. Waa waqti qurux badan oo la soo bandhigay xirfad kubadda cagta ah, waa waqti qurux badan oo la muujiyay midnimo iyo sarrayn qaran. Waxaan u hambalyeynayaa halyeeyadeenna.”

Senegal team celebrating
Qoraalka sawirka,Senegal won its first ever African Cup of Nations after a penalty shootout against seven-times winners Egypt

Senegal ayaa laba jeer oo hore si dirqi ah waxaa loogaga badiyay fiinaalladii 2019 iyo 2002, waxaase loo saadaalinaayay in sanadkan ay ku guulaysan doonaan taranka Qaramada Afrika.

Xigasho:BBCSomali