1 min read

Ciidamada Kenya ee AMISOM oo Qaraxyo khasaare ka dhasheen lala bartilmaameedsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM waxaa saacadihii la soo dhaafay laba Qarax lagula eegtay aaga deegaanka Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxyada oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Gaadiid ay saarnaayeen Ciidamada Kenya oo Biyo dhaamin ugu socday deegaanka Kambooni lala beegsaday, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in qaraxyada ay ku dhaawacmeen ilaa 5 Askari.

Qaraxyada kadib Ciidamada Kenya ayaa furay rasaas farabadan taas oo aan wax khasaaro ah u geysan dadka Shacabka ah, waxaana la sheegay in Ciidamada Kenya ay sii wateen socdaalkooda.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaas ayaa sheegtay inay gubeen mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Kenya, hayeeshee waxaan weli qaraxyada ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada Kenya ee katirsan AMISOM ee ka howlgalla Gobolada Jubbooyinka ayaa mararka qaar lala eegtaa qaraxyada halka dhankooda ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyaga oo degaano dhowr ah kula wareegay.