|

Midowga Afrika oo joojiyay dooda ku saabsan in Israa’iil lagala noqdo aqoonsiga.

Maalintii xiritaanka ee shir madaxeedkan oo ka dhacey caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa u qeyb sanaha guddoomiyaha Midowga Africa dhanka arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka, Bankole Adeoye, wuxuu sheegay in hoggaamiye kasta oo African ah oo ku jira golaha, uu si aan gabasho laheyn u cambaareeyey isbadal kasta oo ku yimaado hab ka baxsan dastuurka.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale hakiyey dood ku saabsaneyd in Israa’iil lagala noqdo aqoonsiga, iyadoo uu ururku ka fogaadey haddii cod loo qaado mar kale, iney khilaaf ka dhex abuuri karto ururka.

Sanadkii hore, guddoomiyaha Midowga Africa, Mousa FakiMahamat, ayaa aqbaley kusoo biirista Israel ee ururka, iyadoo noqotey xubinta 55-aad.

Tallaabadaas ayaa si weyn waxaa uga soo horjeestay Falastiiniyiinta, iyo dalal dhawr ah oo ay ku jiraan Algeria, iyo Koonfur Afrika.

Posted by on Feb 7 2022. Filed under Caalamka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]