1 min read

Dalka Senegal oo ku guulaysatay Koobka Qaramada Afrika.

Xulka qaranka Sengal ayaa caawa ku guulaystay koobka Qaramada Afrika markii ugu horraysay tan iyo markii koobkan la billaabay 1957-kii. Waxa ay caawa garoonka Olembe stadium ee caasimadda Yaounde ee dalka Cameroon gool ku laadyo uga adkaadeen xulka Masar oo doonayay oo in ay markii siddeedaad ku guulaystaan koobkan.

Waxay ahayd guul si weyn u ruxday garoonkan lixdanka kun ee qof qaada. Taageeryaal dhowr kun ah oo Senegal u mashxaradayay ayaa sawaxabkooda la moodayay inuu guud ahaan garoonka is qabsaday. Maalmihii ugu danbeeyay taageerayaasha Senegal ee imaanayay dalkan waa ay sii badanayeen maalinba maalinta ka danbeysa.

Goolhayaha Masar Gabaski oo ilmeynaya ayaa si cagajiid ah u aqbalay abaal-marintiisa ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa ciyaarta caawa. Sadio Mane ayaa garoonka lagu arkayay isagoo maslaxaya saaxiibkii Maxamed Saalax.

Waxaa sii batay liiska dalalka ku qoran koobka qaramada Afrika. Dabcan guusha caawa Qaahira waa qalbijab laakin Dakar waa mid looga doogsaday.

Image