1 min read

Ciidamada Galmudug oo Howlgal dad lagu qabqabtay ka sameeyay Gaalkacyo.

Booliska Maamulka Galmudug oo ay wehlinayeen kuwa NISA ayaa xalay howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen Xaafado katirsan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa bartilmaameedaaday Guryo gaar ah, sidoo kalena baaritaano ku sameeynayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay waddooyinka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Gaalkacyo ee Galmudug ayaa soo bandhigay Nin Dhalinyaro ah iyo dhowr Dhalo Khamri ah oo uu ka Ganacsanayay, kaas oo ay kusoo qabteen howlgalka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha Galmudug waxay sheegeen inay ku raad joogaan rag kale oo ay sheegeen inay ka Ganacsadaan waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya Xaafado ka tirsan Magaalada Gaallacyo.

Dhanka kale maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa bilooyinkii la soo dhaafay waxay wadeen howlgallo ay ku dagaalamayeen waxyaabaha maanka dooriya, iyaga oo dhowr jeer qabtay maandooriye farabadan oo khamri ah iyo dad ka Ganacsanayay.