1 min read

Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug oo goordhaw Shaaciyay qabashada doorashada sideed kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka

Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada sideed kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

War qoraal ah oo goordhaw kasoo baxay guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu sheegay in diiwaan gelinta Musharaxiinta sideeda kursi ay bilaabaneyso 12-ka bishaan Febraayo, waxaana xusid mudan in sadax kursi oo ka mid ah sideeda kursi ay ku tartami doonaan dumar kaliya.

Sideeda kursi ee Maanta la shaaciyay ayaa doorashadooda waxay dhici doonta todobaadka dambe maalmaha Axad iyo Isniinta oo ay taariiqda ku beegan tahay 13-14 ee bishaan Febraayo 2022.