3 mins read

Ciyaal yar yar Qurbaha ka yimid ayaa Xoog nagu Xakumo.=Nasashada Jimcaha. Q-290=

Naag ayaa Habeen Barkii soo toostay iyada oo Ooyneyso. Ninkeedii ayaa ku yiri: Maxaa kugu dhacay?.waxa ey ku tiri: waxaan ku riyooday iyada oo Wiil dhalinyaraa oo Lacag leh oo Qurux badan uu iga kaa furtay.

Ninkeedii ayaa si uu Qalbiga ugu dejiyo Xaaskiisii ku yiri: Waa iska Riyo, Runna ma ahan ee iska seexo. waxa ey ku tiri: waxa aan la Ooynayo ayaaba ah in ey Riyo iga noqotay. ( F.S: 1aad).

(Xilaalka qaar, Dadka Somalida qaar inay ku riyoodaan maxaa Dambi ka dhigay? “Tafsiiru Ru’ya” la isku raacsano miyaa?)

  1. Mid Reer Mudug ah ayaa Gabar uu jeclaa u amaanay Saaxiibadii oo Ciyaal Xamar ah, kuna yiri: Gabadhaa ayaan doonayaa in aan Guursado, Gabar wanaagsan weeye, iga walloo Aabaheed waa Geesi Eey ,Eey dhalay ah, walaalkeed waa Najis, Najis dhalay, Hooyadeedan waa Gaari.

kii Reer Xamarka ayaa yiri: Laaa, waaba Caayoowhooyaa, sidaas Amaan miyaas u mudaa.

(Dad Dowladda Amaanayo, amaa lagu eedeeyaa Dowlad diid).

  1. Naag aad u dheer ayaa u soo dacwootay Asgari kuna tiri: Waa la i kufsaday. Asgarii ayaa yiri: i soo tus Ninkii ku kufsaday. waxa ey u geeysay, Nin Cilana oo ah Dadka loo yaqaan Faragaabta.

Asgarigii ayaa ku yiri: Kanu kuma kufsan karo ee ma Adigaa is gaabiyay.( F.S: 2aad)

(Dadka Xamar oo Dagaalyahano ahaa ayaa yiri: Ciyaal yar yar Qurbaha ka yimid ayaa Xoog nagu Xakumo. waxaa lagu yiri: Taasi Suura gal ma ahan ee idinkaa is gaabiyay)

  1. Macallin Siidoow, oo loo bedelay, Cabuud waaq, ayaa Mushaarkii ka soo daahay 6 Billood. Milkiilihii Lahaa Makhaayadii uu wax ka cuni jiray, ayaa Saldhiga ku dacweeyay, kuna yiri: Taliye Macallinku Deyn ayuu iga qabaa, Sidaan ayuuna u cayilay, Annaguna Caato ayaan Nahay. Macallin Siidow ayaa yiri: Aniga Candhuufteeyda ayaa Alla ii meceeyay. ( F.S: 3aad)

Taliyihii ayaa yiri: hala xiro inta Candhuuftiisu ey Xaraar ka noqonee.

(Iska jirhee, Saraakiisha Cabuud waaq Adoo cayilan ha u tagin)

  1. Caasho Ladan, ayaa Saaxiibkeed oo Safrayo ku tiri: Sida Faadumo Ninkeeda oo kale, Haddaadan ii keeni karin Saddax Boorso oo Waaweyn oo Dhar ah, ha ii soo noqon. waxa uu ku yiri: Saddax Boorso oo Dhar ah xageen u wadaa ma Dukaan ayaan Bacadlaha ka furanayaa?. ( F.S: 4aad)

(Siyaasi Dubay u socday, ayaa Taageerayaashiisu ku yiriheen, Haddaadan 3 Boosro oo Lacag ah Dubaay nooga keeni karin, Qadar u gudub ama Iska joog)

  1. Dhakhtar Garowe loo bedelay ayaa Daawada uu u qoro Haweenku ey ku Caafimaadi waayeen, waxaa lagu yiri: Dhakhtarkii Adiga kaa horeeyay Daawada uu Haweenka u qoro waa ku Caafimaadi jireen, laakin taadu waxba nooma tarto.

Wuxuu wacay, Dhakhtarkii isaga ka horeeyay waxa uuna weydiiyay, Sababta Daawada uu qoro aan loogu caafimaadeeyn.

Dhakhtarkii Hore, ayaa ku yiri: Dumarka Reer Garowe, Da’dooda ayeey ka been sheegaan, waana yareeyaan, Adiguna waxaad u qortaa Daawada Caruurta, kumana Caafimaadaan. Laakin Anigu Da’da ey ii sheegtaan ayaa ku dari jiray 15 Sanno, ka dib ayaana Daawada u qori jiray. ( F.S: 5aad).

Mobile kaaga dhinaca kale u rog, si aad u aragto farqiga Da’da.

(Garoowe, Da’da Haweenku waa Dambi miyaa?)

Qore: Yahya Amir