|

RW Rooble oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka ahna RW Imaaraadka Carabta.

Abu Dhabi:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mudane Maxamed Bin Raashid Ala-Maktoum oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labad dal.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulan kooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha , dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta ,iyo sida ay lagama maarmaan u tahay sidii dal-kugalka (Fiisooyinka) loogu fududeyn lahaa Soomaalida u safarta dalka Imaaraadka Carabta.

272924775 285578900337930 5600157682572010620 n

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhiggiisa Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid uga mahadceliyay kaalinta Dowladdiisu ay ka geysatay gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay. Halka Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid sheegay in dowladdiisu kordhin doonto gargaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Posted by on Jan 31 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]