|

Gen. Tareedisho: “Ciidamada Dowladda waxay la wareegeen deegaanada Mukay Dheere…”

Taliyaha Ciidamada qeybta 27aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamuud Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in howlgallada oo ah kuwo Amniga lagu xaqiijinayo ay ka socdaan degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Beledweyne wuxuu sheegay in Ciidamada xoogga dalka oo kaashanay kuwa macawisleyda ah ayaa howlgallo ka sameeyay inta u dhaxeysa Magaalada Beledweyne iyo degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan iyo sidoo kale wadada u dhaxeeysa Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa uu taliyaha hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada dowladda ay sameeyeen ay Al-Shabaab kala wareegeen degaannada, Mukay Dheere, Shanloow iyo Dhagaxoow oo hoostaga degmada Balcad, isla markaana Al-Shabaab ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Marka laga soo tago warkaan kasoo yeeray Taliyaha Ciidamada qeybta 27aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hadana Wararka Risaala ay heshay ay sheegayaan in Al-Shabaab ay gubeen guryo kuyaalla tuulooyinka Mukay Dheere iyo Mareereey, halkaas oo dadkii deganaa ay isaga barakaceen.

Posted by on Jan 30 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]