1 min read

Baarliin Biin: “Waa la ii diiday inaan u tartamo kursiga HOP#097”

Musharax Baarliin Biin oo u tartameysay kursiga Baarlamaanka ee sumadiisu tahay HOP#097 lagana soo doorto magaalada Jowhar ee caasumad gpboleedka Hirshabelle ayaa ka warbixisay qaabka tartanka looga reebay.

Kursiga Baarlamaan oo muddo ka badan 20 sano ay ku fadhiday Khadiijo Maxamed Diiriye isla markaana ah wasiirka gargaarka ayaa Baarliin kula tartameysay waxay sheegtay in guddiga doorashooyinka la kulmeen odayaal dgaqameedka beeshabYaxar oo labadoodaba ka soo jeedaan.

“Gudiga doorashooyinka Hirshabeelle waa ii diideen inaan tartamo, waxaana la igu xujeeyay IDga qabiilkeyga” ayay tiri Baarliin Biin oo sheegtay in Khadiijo Maxamed Diiriye inkirtay qabiilka aan ka soo jeedo.

Kulanka guddiga dooraahooyinka Hirshabeelle iyo ergooyinka labada musharax oo ay hoggaaminayaan laba oday dhaqameed oo isla dhashay ayaa muran hadal ku dhowaaday dhex maray.

“Markii uu buuqa batay guddiga ii yeeray meel bannaan waxayna ii sheegeen inaan tartanka isaga haro maadaama aan shuruudaha soo buuxin waayay” ayay mar kale tiri Baarliin Biin oo sheegtay inay dacwad ka gudbineyso guddiga dooraahooyinka.

Magaalada Jowhar waxaa saakay ka bilaabanaya doorasha ilaa kursi, waxaana sida ay sheegtay Baarliin lagu bedelay haweeney u dhaxda nin lagu magacaabo Seysey oo ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaankii 10-aad ee wakhtigu ka dhacay.