1 min read

Waa kuma korneelka da’da yar ee la wareegay talada Burkina Faso?

Shalay oo isniin aheyd ayaa Kacdoon uu hoggaaminayay korneyl Paul-Henri Sandaogo Damiba ay telifishinka qaranka dalka Burkina Faso kaga dhawaaqeen in ay xukunka ka tuuren madaxweynaha dalkaasi Mr Roch Chrisitian Kobre.

Paul-Henri Sandaogo Damiba

Haddaba waa kuma korneylka da’da yar Paul-Henri Sandaogo Damiba ee talada dalka Burkina Faso lawareegay?

Korneyl Paul Henri Sandaogo Damiba, waa 41 sano jir, waa sarkaal sare oo katirsan militariga Burkina Faso.

Waxaa jagadaas u magacaabay madaxweynaha uu hada afgambiyay Mr. Roch Marc Christian Kabore maalin un kadib weerarkii sababay dhimashada 57 qof oo ay bishii November 14, 2021 ee Kooxda argagixisada ee dalkaasi ka dagaalanto kusoo qaadeen magaalada Inanta.

Waxa uu hore u soo noqday taliyaha guutada saddexaad oo masuul ka ahaa caasimadda Ouagadougou ee dalka Burkina faso.

Waxaa uu sidoo kale horay uga tirsanaan jiray ciidamada illaalada madaxtooyada, wuxuuna hore u ahaa waardiyihii madaxweynihii hore ee dalkasi Blaise Camporee.

Sannadii 2015-kii, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday afgambigii ay ku kaceen qaar ka mid ah saraakiishii dowladdii xiligaasi jirtay ee la kala diray.

Qaar ka mid ah saraakiishii afgembiga samaysay
Qoraalka sawirka,Qaar ka mid ah saraakiishii afgembiga samaysay

Korneyl Damiba waxaa uu safka hore kaga jiray dagaalka ka dhan kooxaha argagixisada Tan iyo sanadii 2016-kii.

Waxa uu ka qayb qaataa ku dhowaad hawlgal kasta, isaga oo sido kale tababarayay ciidamo gaar ah, Waxa kale oo uu daabacay buug uu ugu magac daray: “Ciidamada reer galbeedka iyo argagixisada”

Paul-Henri Damiba ayaa ahaa hogaamiyihii ciidan kusugnaa meelo kala duwan oo ay ku jiraan Dori iyo Ouahigouya, oo ah goob ay ka dhacaan weeraro joogto ah.