1 min read

Maamulada Galmudug & Jubbaland oo qabanaya maanta doorashada kuraas ka mid ah Golaha Baarlamaanka.

Guddiyada doorashooyinka Maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa inay maanta ay ku qabtaan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Kismaayo doorashada Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kuraasta la dooranayo ayaa horay loogu diiwaangeliyay Xubnihii ku tartami lahaa, waxaana Galmudug Maanta ay qabaneysaa doorashada 7 Kursi, kuwaas oo kala ah.

1: Hop007 oo uu hadda ku fadhiyo Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Faarax Wehliye.

2: Hop061 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Cabduweli Maxamed Wanyare, waxaana kursigaas u sharaxan Xubno ay kamid yihiin, Yaxye Cali Hareeri iyo Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Mustaf Cali Kheyre.

3: Hop064 oo ay hadda ku fadhiso Sahra Cumar Maalin, waxaana kursigaas u sharaxan Xubmo aad u farabadan.

4: Hop0248 oo uu ku fadhiyo Maxamed Axmed Abtidoon.

5: Hop089 oo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Cabdi Shire Jaamac, balse uu sheegay in uusan u tartameyn.

6: Hop096 oo uu ku fadhiyi Cabdi Casiis Cilmi Cali

7: Hop071 oo uu ku fadhiyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo sidoo kale hadda ah Wasiirka Dekadaha Galmudug.

Dhinaca kale Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la filayaa in Maanta lagu qabto doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo kala ah.

1: Hop0126 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Idiris Ganeey oo isaga haray, waxaana ku tartami doona Wasiirka Gaadiidka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Eelaay & Cabdiraxmaan Macalin Xuseen.

2: Hop118 oo uu ka geeriyooday Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Saqar Ibraahim Cabdalla, waxaana ku tartami doona Yuusuf Maxamed Ismaaciil iyo Cimar Maxamed Cumar.

3: Hop127 oo uu ku fadhiyo Cali Cusmaan Xersi, waxaana ku tartami dona Xubno dhowr ah.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan u muuqata mid si dardar leh ku socota, waxaana shalay Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo lagu qabtay doorashada Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.