2 mins read

Ma waxaa la afuufey buunkii dagaalkii saddexaad ee aduunka?

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jirto “midnimo buuxda” oo ay madaxda Yurub kala leeyihiin ciidamada Ruushka ee ka socda xadka uu la wadaago Ukraine.

Intii lagu guda jiray wadahadaladii xasaasiga ahaa ee Isniintii, quwadaha reer galbeedku waxay ku heshiiyeen “cunaqabatayn aan horay loo arag” oo ka dhan ah Ruushka haddii uu duullaan ku qaado Ukraine.

Maraykanka ayaa sidoo kale heegan galiyay 8,500 oo askari, taasoo uu Ruushku sheegay in ay “walaac weyn ku abuurtay”.

Ruushka ayaa beeniyay in uu qorsheynayo duullaan uu ku qaado dalka Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee ilaa 100,000 oo askari oo Ruush ah ayaa la geeyay xadka uu Ruushka la wadaago dalka Ukraine.

Ku biirista Maraykanka iyo UK wadahadaladii Isniintii waxaa sidoo kale ka qeyb galay hogaamiyayaasha dalalka Fransiiska, Jarmalka, Taliyaaniga, Poland iyo Midowga Yurub.

Xoghayaha guud ee Nato, Jens Stoltenberg ayaa sidoo kale khadka taleefoonka ugu qeyb galay wadahadaladaasi.

“Kulan aad iyo aad u wanaagsan ayaan la yeeshay dhammaan madaxda Yurub,” ayuu yiri Mr Biden.

Afhayeen hadlay shirka ka dib ayaa sheegay in hogaamiyayaasha “ay isku raaceen muhiimada ay leedahay in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa cadaawadda sii kordheysa ee Ruushka”.

Haddii duullaan kale oo Ruushku ku galo Ukraine uu dhaco, waxay ku heshiiyeen in “isbahaysigu ay soo saaraan jawaabo aargoosi degdeg ah oo ay ku jiraan cunaqabatayn aan horay loo arag”.

Taangiyada Rushka oo dhoolatus sameynaya
Qoraalka sawirka,Taangiyada Rushka oo dhoolatus sameynaya

Isniintii, ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ka digay in warar sirdoon ay muujinayaan in Ruushka uu qorsheynayo weerar ku wajahan caasimadda Ukraine ee Kyiv islamarkana UK ayaa billowday inay la baxdo qaar ka mid ah shaqaalaha safaaradda ay ku leedahay halkaas.

Mareykanka ayaa isna qaaday tillaabo la mid ah, isagoo ku amray ehelada shaqaalaha safaaradda inay isaga baxaan.

Qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah gaashaanburta Nato oo ay ku jiraan Denmark, Spain, France iyo Netherlands ayaa durba qorsheynaya inay diyaarado dagaal iyo maraakiib dagaal u diraan bariga Yurub si ay u xoojiyaan difaaca gobolka.

Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka ayaa sheegaya in ay u arkaan Nato khatar dhanka ammaanka ah, waxayna dalbanayaan dammaanad qaad sharci ah oo ah in isbahaysigu aanu isku sii ballaarin doonin bariga, oo ay ku jirto dalka deriska la ah ee Ukraine.

Muddo bilooyiin ah dalka Ukraine waxay diyaarinayeen ciidan difaac dhulkeed oo mutadawiciin ah.

Ruushka ayaa horey u qabsaday dhulka Ukraine, ka dib markii uu la wareegay gobolka Crimea sanadkii 2014-kii.

Ka dib markii ciidamada Ruushka ay la wareegeen gacan ku haynta, Crimea waxay qabteen afti ay shacabka gobolkaasi ugu biireen Ruushka, aftidaasi oo reer galbeedka iyo Ukraine ay ku tilmaameen sharci darro.

Xigasho:BBCSomali